Membership

Sun Sep 1st 14:00
Day(s)
Hour(s)
Minute(s)
Second(s)

Warbixinta halkan ka akhri

Kusoodhawoow Shabakada Aflax Computer. Waa shabakad lagubarto aqoonta Computer Science iyo Luuqada English ka oo kubaxa Afsoomaali. Dhamaan casharadu wayduubanyihiin waa  maqal iyo muuqaal. Maadooyinka hada duuban waa kuwa kuxusin shaxda hoose waxay marayaan ilaa hada 28 kooros. 2 English ah, English Level iyo English Level 2 mooyaane intakale waa kuliyada Computer Science ka iyo Information Technology ga.

Sidee wax looga bartaa Shabakada?

Qofku marka uu online wax kubaranayo waa 2bo mid uun. Inuu helo casharka ooduuban iyo inuu Live soogalo. Labadaas waxaa faaiido badan inaad hesho casharada oo duuban oo aad daawankarto xiligii aad jaanis leedahay. Meesha Live ku ay dhicikarto in waxkudhaafaan ama khadku kaa go,o ama aad kasoodaahdo. Sanadihii lasoodhaafay waan samayn jirnay Live ka laakiin hada dhamaan casharada waxaan ubedelnay inuu helo ardaygu iyaga oo duuban.

Dhamaan maadooyinka aad ku aragto shaxda hoose way duuban yihiiin qaa dhamaystiran iyo qaar socdaba waxayna kujiraan webka. Ardaygu marka uu isdiiwaangeliyo. Wuxuu helayaah ama gelikaraah dhamaan maadooyinka kujira webka iyo kuwa lasoogelin doono intaba. Sidookale waxaa lasocda buugta iyo imtixaanaadka markaad dhamayso kooroska. Shahaadadana waxaa laguugusoodirayaah Online meelkasta aad aduunka kajoogto.

 

Imisa Bilood Ayaan kudhamaynkaraah maadada ama maadooyinka aan rabo?

Maadaama ay duubanyihiin koorsooyinka oodhan, markahore intaadan isdiiiwaangelin waa inaad ka eegto shaxda hoose maadama ama maadooyinka aad rabto inay kujiraan. Haday kujiraan kooros kasta wuxuu leeyahay casharo free ah oo aad daawankarto intaadan isdiiwaangelin.

Xiligaad kudhamaynayso marka aday kuguxirantahay, kooroska marka aad casharadiisa wada daawato waad dhamaysay. Wayna kaladuwanyihiin kooros ayaa casharadiisu yihiin 25 cashar, meesha midake ay yihiin 50, meesha midakale ay yihiin 70 ama 100 cashar. Waxay kuxirantahay kooroska. Marka markaad casharada kooroska aad rabto dhamayso hadii uu kooroskaas imtixaan leeyahayna samayso. Waxaad sugtaaba waa in laguusoodiro certificate ka. Imtixaan hadaad gelaysana sida casharada ookale ayaa webka lasoogelinayaah kadib waxaad kashaqaynayasaa adoo meeshaada jooga goobtaada qaab online ah.

 

Waa imisa Qiimaha(Lacagta) Maadooyinka?

Marka 1aad horta fee lama qaado ama lacag bille ah, sidookale maadooyinka lama gado. Waxaa labixiyaah waa Isdiiwaangelin xubin nimo ah, inaad webka xubin kanoqoto.

Way kaladuwantahay ardayda joogta dalalka Africa iyo Asia waa 20$ sanadkii oo keliya. Meesha Europe iyo America ay bixiyaan 50$ sanadkii. Khasab maaha inaad sanadle noqoto. Maadada ama maadooyinka aad ubaahantahay hadaad kudhamayn karto isbuucyo, bil ama bilo uma baahnid sanadle ama marka sanadku dhamaado inaad cusboonaysiisato akoonka. Sanadkuna wuxuu kaaga bilaamayaah maalinta aad isdiiwaangeliso.

Sidee idinku aaminikaraah?

Dhamaan maadooyinka duuban ee webka kujira, sida aan u arkikaro aniga oo ah maamulaha webka oo qoraalkan qoraya ayaad adna u arkikartaah maadooyinka iyo casharada kujira. Marka wax qarsoon majiraan. Waxaan soobandhignayna waxay kujiraan isla webkan aad hada kujirto. Indhahaaga ayaadna ku arkikartaah.

Maado kastana waxay leedahay casharad free ah oo aad daawankarto intaadan isdiiwaangelin lacagna aadan bixin. Maadooyinka qaarkood 5, 7 ama 10 cashar oo free ah. Markaad daawato casharadaas ugu horeeya ee free ga hadaad kuqanacdo kooroskaasna waad isdiiwaangelin hadikalena waad iskadayn.

Sidookale fadlan dhegayso codadka kujira islabogan xagiisa hoose waxay kayiraahdeen ardayda horay wax uga baratay shabakada.

Dadka wax kabarta Shabakada Aflax Computer?

Dadka wax kabarta webka way kaladuwanyihiin waxaa kamida

  • Qofkasta oo danaynaya barashada Computer ka iyo English ka bilow, bilow heerdhexe ama heer sare
  • Dadka shaqeeya aan wakhti uhelin inay xaadiraan fasal toos ah. Ama ubaahan aqoon kororsi
  • Ardayda jaamacadaha ee barta kuliyadaha Computer science, IT ama ICT oo waxaad kahelaysaa maadooyinka aad jaamacada kudhigato oo duuban afsoomaalina lagusharaxay.

Maadooyinka Duuban hada ee Shabakada kujira

  1. Computer Introduction(software and Hardware)
  2. English Level 1
  3. English Level 2
  4. Windows 8
  5. Windows 10
  6. Microsoft Word 2007
  7. Microsoft Excel 2007
  8. Microsoft Word 2016
  9. Microsoft Excel 2016
  10. Microsoft Access 2016
  11. Microsoft Outlook 2016
  12. Microsoft PowerPoint 2016
  1. Networking
  2. CSS and HTML
  3. PHP Programming
  4. Java Script
  5. WordPress
  6. Java programming
  7. Advanced Java
  8. C++ Programming
  9. C# programming
  10. Adobe Video Editing
  11. Filmora Video Editing
  12. Camtasia Video Editing
  13. Photoshop
  14. Visual Basic.Net
  15. MySQL Database
  16. Algebra

Nagalaxiriir

Whatsup: +254722662441

Email: dirir@aflaxcomputer.com

Maxay Kayiraahdeen Ardaya wax kabarata Shabakada Aflax Computer?

Dhegayso Rajiya Qaarka mida Ardayda wax kabarata Shabakada